Inter Milan Oo Arsenal Ku Garaacday Saxiixa Xiddig Muddo Lala Xidhiidhinayay Gunners.

0
435

Kooxda Inter Milan ayaa heshiis la gaadhay Goolhayaha kooxda Ajax ee Andre Onana kaas oo qaab xor ah ugu wareegi doona Inter Milan suuqa xagaaga sida laag soo xigtay Fabrizio Romano.

Goolhayaha reer Cameroon ee Andre Onana ayaa xor nqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda Arsenal bilihii ugu dambeeyay.

Arsenal ayaa doonaysay saxiixa Goolhayaha in ay ku xoojiso goolkeeda lana tartansiiso Goolhaye Aaron Ramsdle xilli ciyaareedka dambe iyada oo la filayo in ay iska fasaxdo xiddiga Bernd Leno.Laakiin Inter Milan ayaa ku guulaystay saxiixa

Andre Onana kaas oo ay u doonayso badalka Goolhayaha muddada dheer u adeegayay ee Samir Handanovic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here