Inter Miami Oo Shaacisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Lionel Messi.

0
130

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Inter Miami ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi.

Messi ayaa dhawaan ku dhawaaqay dookhiisa u ciyaarida kooxda Inter Miami kadib markii uu soo dhamaaday heshiiskii uu kula jiray kooxda PSG.

Kooxda reer America ayaa daabacday muuqaal Messi iyo wararkii badnaa ee lala xidhiidhinayay kooxaha kala duwan ee Barcelona iyo Al-Hilal.

Messi ayaa iska diiday kooxda Al-Hilal iyo waliba kooxdiisii hore ee Barcelona isaga oo doortay u ciyaarista kooxda ka dhisan maraykanka.

Waxaa xusid mudan in kooxda cusub ee Messi ay ku jirto kaalinta ugu dambaysa ee horyaalka Maraykanka waxana ay leeyihiin 16 dhibcood kadib 16 kulan oo la ciyaaray horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here