Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Injirneer la shaqeynayay Sheybaarka Cilmibaarista iyo Horumarinta Difaaca ee Hindiya ayaa lagu eedeeyay inuu xog sirdoon oo la xiriirta nukliyeerka dalkaas siiyay basaas u dhashay Pakistan.
Arrintaas ayaa ka dambeysay markii loo dhigay dabin loogu ballan-qaadayo xiriir jaceyl iyo guur.
Wargeyska Times oo Hindiya oo xiganaya ilo-wareedyo sarsare oo booliska Hindiya ah ayaa qoray in injineerka oo lagu magacaabo Mallikarjuna Reddy sidoo kale laga raadiyay macluumaadka ku saabsan gantaallada ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba ee qaniga ku ah nukliyeerka iyo gantaallada badda hoosteeda mara.
Ninkan oo 29 jir ah ayaa Jimcihii laga soo xiray gurigiisa. Wuxuu qirtay eedeymaha basaasnimo, intii lagu jiray su’aalo-weydiinta.
Booliisku wuxuu qorsheynayaa in uu sii xirnaado si ay xog dheeraad ah uga helaan.
Wuxuu tan 2018-kii la shaqeynayay Nidaamka Casriga ah ee Badda ee Sheybaarka ee magaalada Hyderabad.
Dabinta loo dhigay Injineerka
Basaaska Bakistaaniga ah waxay isku magacawday Natasha Rao. Waxay Reddy saaxiib kula ahayd Facebook.
Basaasiisaddan ayaa xog xasaasi ah oo la xiriirta barnaamijka Nukliyeerka ee Hindiya ka heshay Reddy iyadoo u ballan-qaaday guur.