Ingiriiska oo Xaalad Adag Kala Kulmaya la Tacaalidda COVID-19

0
281

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Ingiriiska ayaa maalmihii ugu dambeeyay wajahaysay xaalad adag oo kala soo gudboonaatay xanuunka COVID-19 ee dalkaas oo faraha ka sii haadeysa.

Dhammaan isbitaallada ku yaalla dalkaas ayaa la siiyay digniin culus oo ku aaddan in ay u diyaar garoobaan xaalad adag oo ka dhalata nooca cusub ee xanuunka Korona.

Isbitaallada magaalada Caasimadda ah ee London iyo kuwa ku yaalla Koofur Bari ee dalkaas ayaa lagu soo warramayaa in uu culays badani ka haysto la tacaalidda bukaannada uu soo ridanayo xanuunka COVID-19.

Celcelis ahaan tirada todobaadlaha ah ee uu haleelay xanuunka ee magaalada London ayaa lagu sheegay in boqolkii kun ee qofiba 858 ka mid ah uu haleelay xanuunka.

Saraakiisaha caafimaadka ayaa ku warramay in isbitaallada ay sii buux dhaafayaan halka in badan oo kamid ah howlwadeennadii caafimaadna ay xanuunsanyihiin amaba ay iskarantiileen taasi oo sii adkeynaysa gargaarka caafimaad ee loo fdinayo dadka xanuunsan iyaga oo intaa ku daray in ay suuragal tahay in la gaaro xilli aanan la heli Karin howlwadeen caafimaad oo gargaar bixiya.

Isbitaallada ayaa lagu wargeliyay in ay guntiga dhiisha isaga dhigaan iyada oo afartii maalmood ee ugu dambeysay tirada dadka uu xanuunku soo ritay ay gaadhay  50.000 oo qof.

Waaxda caafimaadka dalka Ingiriiska ayaa ku baaqday in bandow adag la geliyo dalka oo aan lala eeganin inta xaalku ka sii cuslaanayo halka uu haatan taaganyahay sidoo kale ayay dadweynaha ugu baaqday waaxdu in ay taxddar iyo feejignaan dheeri ah muujiyaan.

Waxaa sidoo kale socda dadaallo ay dowladdu ku diyaarinayso goobo cusub oo  sida isbitaallada oo kale loo qalabaynayo si loo gargaaro dadka uu xanuunku soo ridanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here