India oo joojisay dhoofinta talaalka COVID-19

0
293

Baydhabo(Radio Arlaadi)- India ayaa si ku meel gaar ah u joojinaysa dhoofinta talaalka coronavirus ee Oxford AstraZeneca, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.

Talaabadan ayaa lagu micneeyay in dalab badan oo talaalka ah uu ka jiro gudaha wadanka, kaas oo isa soo tarayay todobaadyadii u dambeeyay.

Saraakiishu waxay sheegeen in ilaa bish Abril uu socon doono joojinta talaalka.
In ka badan 190 wadan ayaa oo ku jira hindisaha Covax ee WHO ay ku doonayso in talaalka lagu gaarsiiyo ayuu saameyn doonaa go’aanka New Delhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here