In ka badan Boqol Qof Oo Ka Faa’ideystey Mashruuc indha Fiiqis ah Laga Fuliyey Gobolka Banaadir

0
49

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah furay mashruuc indha fiiqis ah oo ay maanta degmada Yaaqshiif ka fulisay hey’adda samafalka ee Madaale Foundation kaas oo ay ka faaideysteen 100-ruux oo kamid ah qoysaska danta ee aan heysan dhaqaale ay aragooda kula tacaalaan.

Furintaanka mashruucaan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), maamulka Degmada iyo ururka dhaqaatiirka Indhaha oo barnaaijkan indha fiiqista ah fuliyay.

Warkung Waliba nig haaye Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here