Imtixaanka Dowladda oo si mideysan uga bilaawday Muqdisho iyo Gobolada dalka

0
678

Inta badan Gobolada dalka,sida Gobolada Hiiraan,Shabeellaha.Dhexe,Galgaduud Mudug,Jubbooyinka iyo Magalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa sirasmi ah uga bilaawday Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare oo ay sanadkaan u fariisteen in ka badan 31 kun oo arday.

Imtixaankaan ayaa ah mid ku celis ah,kadib markii dhawaan Imtixaanka ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada  Soomaaliya uu fashilmay,iyada oo Baraha Bulshada lagu arkay Maadooyin ka mid Imtixaanka.

Xarumaha uu Imtixaanka ka socdo ee Magalada  Muqdisho ayaa waxaa kormeeray Maanta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre,waxaana uu sheegay in imtixaanka uu u socdo sidii loogu talo galay,.

Waxa uu soo hadal qaaday wararka sheegaya in Baraha Bulshada la joojinayo inta uu imtixaanka uu socdo,waxaana uu sheegay Wasaaradaa ay awood u leedahay inay joojiso Baraha Bulshada hadii ay khatar dareentana ay joojin doonaan,isla markaana warqad ay u gudbiyeen Maxkamada Sare  ee dalka.

Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare oo Maanta bilaawday ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 31 kun oo Arday,iyada oo uu socon doono ilaa 31 Bishaan oo ku beegan Maalinta Jimcaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here