Imaaraadka Carabta oo Dhalasho siinaya Ajaanibta Xirfadleyda ah

0
283

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqday in ay dhalashada iyo baasaboorka dalkeeda siinayso xirfadlayaasha ajaanibta ah ee ku nool dalkeeda.

Dowladda ayaa sheegtay in dib u habayn ay ku samaysay xeerka dalkeeda kaddib ay garwaaqsatay in ay baasaboor iyo dhalasho siiso maalagashadayaasha, xirfadlayaasha, dhakhaatiirta, injineerrada, cilmi baadhayaasha, fannaaniinta iyo aqoonka ku nool dalkeeda.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa sheegay in dadka xirfadlayaasha ah ee sita baasaboorrada dalalka kale loo oggolyahay in ay qaataan baasaboorka Imaaraadka.

Madaxa golaha wasiirrada Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Raashid Aala Maktuum ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ay dhaqangelinayaan xeerkan cusub.

Aala Maktuum ayaa sheegay in tallaabadan ay uga gol leeyihiin sidii ay ku hanan lahaayeen maanshiilka iyo aqoonta ay dadkaasi xirfadlayaasha ahi xambaarsanyihiin si ay qeyb uga noqdaan geeddi-socodka horumarinta dalkaas.

Sidoo kale ujeeddada dowladda Imaaraadka ay arrintan u samaysay ayuu ku sheegay in ay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa tayada baasaboorka Imaaraadka.

Dowladda ayaa sheegtay in ay dejisay halbeeg lagu xulanayo dadka helaya dhalashada Imaaraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here