Ilkay Gundogan Oo Shaaca Ka Qaaday Sababtii Uu Isaga Diiday Ku Biirista Arsenal Suuqii Xagaaga.

0
67

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ilkay Gundogan ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu isaga diiday kooxda Arsenal suuqii xagaaga.

Gundogan ayaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore ka tagay kooxda saddexda koob ku guulaysatay ee Manchester City isaga oo si xor ah ugu biiray kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ee Barcelona.

Arsenal ayaa Gundogan u soo bandhigtay heshiis laba sano ah waxayna ka mid ahayd kooxo dhawr ah oo doonayay in ay soo xero galiyaan xiddiga.

32 jirkan ayaa haatan sheegay in uu iska diiday kooxda Arsenal sabab la xidhiidha in uu doonayay ku biirista kooxdii riyadiisa.

Markii la waydiiyay hadii uu heshiis cusub u saxiixi lahaa Man City ayuu Gundogan yidhi”Anigu waxa aan ahay qof daacad ah, dadkayguna way ogyihiin, ugu dambayntii airntu ma ahayn sanad ama 2 sano”.

“Sababta aan u diiday Arsenal ayaa ahayd in aan ku riyoonayay u ciyaarista kooxda aan ku riyoon jiray”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here