Iibsashada Maaliyada Xulk Qaranka France Oo Kor U Kacday

0
255

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Iibka maaliyada xulka qaranka France ayaa si waali ah kor ugu kacday kadib markii xiddiga Karim Benzema dib loogu soo daray xulka qaranka France ee ka qayb qaadan doona tartanka Euro 2020.

Sheekada ugu hadal haynta badan todobaadkan ayaa ahayd ku soo laabashada Karim Benzema ee xulka Qaranka France kadib markii uu tababaraha france soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga qayb gali doono tartanka Euro 2020.

Iibasashada maaliyada xulka France ayaa kor u kacday 2,400% maalmo yar kadib markii uu Karim Benzema ku soo laabtay xulka qaranka France.

Benzema ayaa muddo 5 sano ah ka maqnaa xulka qarankiisa laakiin xiddiga ayaa ku soo laabtay in xulkiisa taas oo si waali ah kor ugu qaaday iibsashada maaliyada xulka France kadib markii uu ku soo laabtay xulka qarankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here