Horyaalka Premier League oo maanta xirmaya & loollanka afarta sare oo loo daawan doono ciyaaraha maanta

0
228

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Horyaalka kubadda cagta dalka Ingiriiska ee Premier League ayaa maanta lasoo gaba gabeyn doonaa guud ahaan iyadoo horraan horyaalka ay ku guulesatay kooxda Manchester City.

Ciyaaraha ugu xiisaha badan galabta ayaa ah kuwa ay ciyaarayaan kooxaha ku loollamaya labada boos ee kasoo haray afarta boos ee ugu sarreysa horyaalka si ay ugu soo baxaan ciyaarista tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Labada Manchester ayaa hubiyay boosaska koowaad iyo labaad iyadoo Man City ay booska koowaad iyo horyaalka isku qaadatay halka Man United iyaduna ay booska labaad xiratay kaddib barbarrihii toddobaadkii hore ay la gashay Fulham.

Sidaas darteed, kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Leicester City ayaa ku dagaallamaya labada boos ee haray, waxaana kooxdii booskeeda lumisaa ay aadi doontaa tartanka Europa League.

Haatan Blues ayaa ku jirta booska saddexaad ee kala sarreynta horyaalka iyadoo leh 67 dhibcood, waxayna hal dhibic ka sarreysaa labada kale oo wadaaga min 66 dhibcood inkastoo Reds ay booska afaraad ugu jirto farqiga goolasha oo ay kaga badan tahay kooxda Macallin Brendan Rodgers.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa xaqiijin doonta booskeeda saddexaad haddii ay guul ka keento ciyaarta ay Aston Villa booqaneyso, sidoo kale Jurgen Klopp kooxdiisa ayaa guul ku xaqiijin karta booskeeda, balse Leicester ayaa u baahan inay guul gaarto isla markaasna ay dhibco lumiyaan labada naadi ee kale ama mid ka mid ah.

Liverpool vs Crystal Palace

Wax dhaawacyo cusub ah lagama soo sheegin Liverpool iyadoo ay hore kaga maqnaayeen xiddigo dhowr ah oo fasalkan intiisa badan dhaawac ku dhammeystay.

Dhanka Palace, keliya Eberechi Eze ayaa dhaawac feysha kasoo gaaray ku seegaya ciyaartan, waxaana dib ugu soo laabanaya safkooda Tyrick Mitchell, inkastoo Christian Benteke shaki laga gelinayo kulankan maadaama dhaawac awgii loo fasaxay ciyaartii asbuucii hore.

Aston Villa vs Chelsea

Kabtan Jack Grealish ayaa taam u ah kulankan kaddib markii uu toddobaadkii hore kusoo bilawday ciyaartii ay Tottenham ka adkaadeen isagoo garoommada ka maqnaa 95 maalmood.

Ross Barkely oo ay mulkiyaddiisu leedahay Chelsea ayaanan kulankan ciyaari doonin, balse Matt Target ayaa noqon doona xiddigii ugu horreeyay ee Aston Villa ugu soo bilawda dhammaan kulammada xilli ciyaareedka ee Premier League tobankii sano ee lasoo dhaafay isagoo aanan goolhaye ahayn.

Chelsea ayaa qiimeyn doonta xaaladda N’Golo Kante oo dhaawac bowdada kasoo gaaray looga saaray ciyaartii asbuucii hore, balse Kai Havertz oo dhaawacaas mid la mid ah qabay ayaa dib ugu soo laabtay Blues, si la mid ah waxaa caawa diyaar ah Andreas Christansen oo saddex kulan kaddib garoonka soo geli kara caawa.

Leicester City vs Tottenham

Leicester ayaa caawa weyneysa xiddigeeda difaaca dhexe ka ciyaara ee Jonny Evans kaasoo ciribta ka dhaawacan, balse waxaa sida la filayo ciyaartooda ugu dambeeya kooxdan u ciyaari kara daafacyadii horyaalka kula guuleystay 2016 ee kala ah Wes Morgan iyo Christian Fuchs.

Spurs ayaanan dhinaceeda heli doonin Japhet Tanganga oo anqowga ka dhaawacan, halka geesta kalena Harry Kane oo mustaqbalkiisu shaki weyn ku jiro uu doonayo inuu gacanta ku dhigo gooldhalinta horyaalka isagoo haatan leh 22 gool, waxaase la simman laacibka Liverpool ee Mohamed Salah.

Kulammada kale ee maanta la ciyaari doono

06:00 Maqribnimo Arsenal vs Brighton

06:00 Maqribnimo Fulham vs Newcastle United

06:00 Maqribnimo Leeds vs West Bromwhich

06:00 Maqribnimo Man City vs Everton

06:00 Maqribnimo Shiffield vs Burnley

06:00 Maqribnimo West Ham vs Southampton

06:00 Maqribnimo Wolves vs Man United

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here