Horyaalka Premier League Oo Caawa Bilaabmaya, Arteta Oo Imxitaan Cusub Maraya.

0
230

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee xilli ciyaareedka 2021/22 ayaa bilaabmaya caawa oo Sabti soo gelayso, waxaana lagu furayaa Arsenal oo marti u ah kooxda heerka labaad ka timid ee Brentford. Horyaalka oo bilaabmaya iyadoo taageereyaasha loo ogol yahay in ay garoomada yimaaddaan halkii ay xilli ciyaareedkii hore garoomo madhan kooxuhu ku ciyaarayeen, waxa caawa qormaysa taariikh weyn.

Brentford ayay u noqonaysaa markii ugu horreysay ee ay ka ciyaarto heerka koowaad tan iyo sannadkii 1947-kii, halka Arsenal ay xilli ciyaareedkan si fiican iskugu diyaarisay oo ay lasoo saxeexatay laacibiin ay isku xoojiso, walina waxay raadinaysaa kuwo kale.

Tababare Mikel Arteta oo xilli ciyaareedkii ay kooxdiisu ku dhamaysatay halkii ugu hoosaysay muddo 30 sannadood ku dhow ayaa waxa laga doonayaa in uu guul ku bilowdo si uu ugu soo celin karo boosaska ka qayb-galka tartamada Yurub oo ay ka maqnaatayy markii u horreysay tan iyo 1996kii.

Brentford ayaa iyaduna ka mid ahayd saddexdii kooxood ee kasoo dallacay heerka labaad, waxaanay 74 sannadood kaddib kusoo laabatay heerka koowaad, kaddib xilli ciyaareed heersare ahaa oo ay iskaga reebeen inkaarta qarniga ku dhow ee ka hor-joogtay in ay soo dallacaan, waxaana mahaddaas iska leh Ivan Toney iyo Emiliano Marcondes oo kulankii Swansea City ee isreeb-reebka u dhaliyey goolashii ay kusoo gudubtay.

Thomas Frank oo sannadkii 2018 hoggaanka u qabtay kooxdan ayaa kulamadii saaxiibtinimo ee ka hor xilli ciyaareedka waxay kooxdiisu muujisay ifafaale wanaagsan iyo inay u diyaarsan tahay, in ugu yaraan ay ka dagaallanto inay ka badbaadi karto in ay heerka labaad ku noqoto.

Brentford waxa kale oo loo qorayaa caawa taariikh, sababtoo ah, waxay noqonaysaa kooxdii 50aad ee ka ciyaarta horyaalka Premier League, waxaanay taariikhdan samaynaysaa iyagoo sagaal ciyaarood oo xidhiidh ah aan laga soo badinin kulamadeedii ugu dambeeyey ee ay heerka labaad kaga soo dallacday.

Dhinaca kale, Arsenal oo markii u horreysay muddo 25 sannadood ah ka maqnaatay fagaareyaasha waaweyn ee tartamada Yurub, kuna dhamaysatay kaalinta toddobaad ayaa waxa sugaya isla kooxihii xilli ciyaareedkii hore ka sarreeyey oo waliba saxeexyo sameeyey, si fiicana isku dhisay.

Taageereyaasha Arsenal ayaan ku faraxsanayn kulamadii saaxiibtinimo ee kooxdooda oo aanay wax guul ah kasoo hoynin, waxaana ka badiyey kooxaha Hibernian, Chelsea iyo Tottenham, halka ay kulanka afraadna barbarro gashay.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Brenford vs Arsenal

Tartanka: Horyaalka Premier League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Brentford Community Stadium

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Brentford oo usoo dallacday heerka koowaad iyadoo soo dhalisay 33 gool, waxa ugu soo bilaaban doona goolhaye David Raya oo hore loola xidhiidhinayey Arsenal, sidoo klaena waxa u jooga saddexda difaac ee adag ee Pontus Jansson, Ethan Pinnock iyo Kristoffer Ajer oo hadda ay lasoo saxeexdeen.

Josh Dasilva oo hore uga mid ahaa Arsenal ayaa ciyartan ku seegaya dhaawac.

Dhinaca Arsenal waxa dhaawc kaga maqan laacibka khadka dhexe ee Thomas Partey, Gabriel Magalhaes iyo Rob Holding, taas oo ka dhigan in Pablo Mari iyo Ben White ay kusoo bilaaban doonaan difaaca dhexe.

Eddie Nketiah ayaa ku maqan dhaawac kuraanta ah, waxaase fursad ka doonaya Arteta Albert Sambi Lokonga iyo Mohamed Elneny.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here