Horudhac: Real Madrid vs Real Sociedad

0
267

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa eegeysa inay caawa guul ku bilowdo difaacashadeeda horyaalka La Liga, marka ay u safrayaan San Sebastian, halkaasoo ay ku wajahayaan Real Sociedad.

Los Blancos ayaa ku dhammaysatay iyadoo shan dhibcood oo nadiif ah ka sarreysa kooxda kaalinta labaad ee Barcelona xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay kooxda caasimadda Spain ka dhisan ay ku guuleysatay horyaalka La Liga.

Dhanka kalena Real Sociedad ayaa kal ciyaareedkan cusub ee 2020-21 ku bilaabatay barbaro ay la galeen  Real Valladolid, waxaana ay caawa doonayaan inay guul ka helaan Real Madrid.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Axad 20 Sebt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Reale Seguros Stadium

Garsooraha: Juan Martinez (Spain)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here