Horudhac: Manchester City vs Manchester United

0
752

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Garoonka Etihad Stadium ayaa marti gelin doona kulanka ugu xiisaha badan toddobaadkan horyaalka Premier League iyadoo kooxaha Manchester City iyo Manchester United ku hardami doonaan ciyaarta darbiga magaalada Manchester.

Manchester City ayaa ku jirta waqti cajiib ah iyagoo dhex maquuranaya guulo xiriir ah, halka Man United ay wax gool ah dhalin weysey saddexdii kulan ee ugu dambeysay dhammaan tartammada.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 7:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Etihad Stadium

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here