Horudhac: Liverpool vs Man United

0
570

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kulanka ugu weyn sanadkan Ingiriiska ayaa caawa ka dhacaya garoonka Anfield, iyadoo kooxda xafidanaysa Premier League ay soo dhoweynayso hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Manchester United.

Labada kooxood ee ugu guulaha badan taariikhda kubadda cagta Ingiriiska ayaa kaalimaha hore kaga jira miiska kala sarreynta horyaalka, iyadoo Man United ay saddex dhibcood ka sarreyso naadiga ka dhisan Merseyside-ka.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Anfield

Garsooraha: Paul Tierney (England)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here