Horudhac: Italy vs England.

0
452

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xulalka kubadda cagta Italy iyo England ayaa caawo isku arki doona fiinaalka tartanka Euro 2020 iyadoo midkood caawa laa caleemo-saari doono horyaalnimada xulalka Yurub.

Labadan dal ayaa kasoo haray 24-kii xul ee xagaagan ku dagaallamayay tartanka qarammada qaaradda Yurub ee lagu marti geliyay 11-ka dal, waxaana caawa garoonka Wembley ee magaalada London ay ku wada qaadan doonaan ciyaarta kama dambeysta ah ee tartankan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Wembley

Garsooraha: Bjorn Kuipers (Netherlands)

Wararka Xulalka:-

Waxaa shalay tababarkii xulka qaranka Ingiriiska ka maqnaa laacibka khadka dhexe ka ciyaara ee Phil Foden kaasoo dhibaato yar ay kasoo gaartay tababarkii Jimcaha, waxaana haatan shaki la gelinayaa inuu ciyaartan qayb ka noqon karo, balse safka kale ee xulka Saddexda Libaax ayaa taam u ah fiinaalka.

Dhinaca kale, Taliyaaniga waxay sii tabi doonaan difaacooda ee Leonardo Spinazzola oo dhaawac halis ah uu kasoo gaaray feysha, waxaana booskiisa la filayaa inuu buuxiyo xiddiga Chelsea ee Emerson Palmieri.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool:-

Xulka England ayaa labo guul oo qura ka gaaray dhiggiisa Italy 14-kii ciyaarood ee ay hore u wada ciyaareen tartammada oo dhan waxaana uu 2-0 kaga adkaaya bishii June ee sanadkii 1997, halka uu 2-1 ku awood sheegtay bishii August ee sanadkii 2013 – labadaas ciyaaroodna waxay ahaayeen kulammo saaxiibtinnimo.

Dhinaca kale xulka Taliyaaniga ayaanan wax guuldarro ah kala kulmin Ingiriiska marka ay isku arkaan tartammada waaweyn waxaana uu ka heystaa rikoor ka kooban guul 1-0 uu kaga gaaray Euro 1980, guulo 2-1 ah oo uu kaga gaaray Koobabka Adduunka ee 1990 iyo 2014 & barbarro 0-0 ahaa oo uu ugu dambeyn rigooreyaal ku adkaaday Euro 2012.

Italy

Kani waa fiinaalkii 10-aad ee uu xulka Taliyaaniga ciyaaro tartammada waaweyn, waxaana marka lala barbar dhig xulalka kubadda cagta Yurub kaga badan fiinaal tagista tartammada waaweyn xulka Germany oo 14 jeer gaaray.

Taliyaaniga ayaa ku guuleystay tartanka qarammada Yurub sanadkii 1968, waxaase koobka fiinaalka looga qaaday labadii fiinaal ee xigay ee kala ahaa Euro 2000 iyo Euro 2012.

Macallinka xulka Taliyaaniga hoggaaminaya ee Roberto Mancini ayaa noqoday macallinkii labaad ee ku guuleystay horyaalka heerka koowaad ee Ingiriiska isla markaasna gaara fiinaalka tartan weyn oo dhanka qarammada ah, waxaana isaga kaga horreeyay Sir Alf Ramsey kaasoo horyaalka ku hoggaamiyay naadiga Ipswich sanadkii 1962 sidoo kalena waxa uu xulka Ingiriiska u gacan geliyay Koobka Adduunka qura ee ay heystaan kaasoo ay qaadeen sanadkii 1966.

Italy ayaa 12 darbo ku sameeyay, sidoo kalena saddex gool ku dhaliyay kubbad furan oo ay kula wareegeen meel u dhow goolka xulka kasoo hor jeeda inta uu socday Euro 2020, waana in ka badan xulalka kale oo idil.

England

Xulka England ayaa noqday xulkii 13-aad ee gaara kama dambeysta tartanka qarammada qaaradda Yurub, kaliya saddex ka mid ah 12-kii hore ayaa ku hungooway inay koobka qaadaan fiinaalkoodii ugu horreeyay.

Ingiriiska oo caawa ku ciyaara garoonkiisa ayaa guuleystay 15 ka mid ah 17-kii ciyaarood ee ugu dambeeyay dhammaan tartammada oo uu ku ciyaaray garoonkiisa Wembley, waxaana uu galay hal barbarro iyadoo ciyaarta kalena la garaacay, dhinaca kalena, xiddigaha England ayaa garoonkooda kulammadaas ku dhaliyay 46 gool halka iyagana looga dhaliyay kaliya shan gool.

Harry Kane ayaa si toos ah ugu lug yeeshay 28 gool 27-kii kulan ee uu horay ugu ciyaaray xulka Ingiriiska dhammaan tartammada isagoo dhaliyay 19 gool halka sagaal kalena uu caawiyay, waxaana uu hal gool u jiraa inuu noqdo xiddiga goolasha ugu badan xulka England ugu dhaliyay tartammada waaweyn marka uu tirada goolashaas ka dhigo 11 gool, haatan se, waxa ay min 10 gool tartammada waaweyn ka dhaliyeen Gary Lineker.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here