Horudhac: Aston Villa vs Chelsea

0
428

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa maanta oo Axad ah dib ugu soo laabanaysa ciyaarista horyaalka Premier League markii ugu horreysay muddo saddex bilood iyo dheer ah, marka ay booqanayso Aston Villa oo ka mid ah kooxda ku jira kaalimaha looga laabto horyaalka.

Tababare Frank Lampard kooxdiisa ayaa dib u bilaabeysa dagaalkeeda qaabkii ay ugu dhammaysan lahayd kaalinta afaraad, halka Villa ay wali ku jirto kaalinta 19-aad ee kala sarreynta horyaalka kaddib barbaro goolal la’aan ah oo ay la galeen Sheffield United Arbacadii.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad 21 Juun 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 6:15 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Villa Park

Garsooraha: Paul Tierney (England)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here