Hordhaca : Liverpool Vs Real Madrid

0
270

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Real Madrid ayaa marti ugu noqoneysaa Liverpool lugta labaad ee wareegga 8-da Champion-ka xilli lugtii hore lagu soo garaacay wiilasha klopp 3/1

Ka dib markii ay guuleysteen seddexdii kulan ee ugu horeysay ee ay la ciyaareen Real Madrid tartamada Yurub, Liverpool ayaa laga badiyay mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay ee ay ka horyimaadeen

Tani waxa ay noqon doontaa booqashadii seddexaad ee Real Madrid ay ku booqato Anfield si ay ula ciyaaraan Liverpool tartamada Yurub – waxaa looga badiyay 0-4 bishii Maarso 2009 waxayna guuleysteen 3 – 0 Oktoobar 2014 (labaduba Champions League ayay ahaayeen.

13kii kulan hore ee bug baxda tartaamda yurub , Liverpool waa ay guul dareysteen lugta hore waliab waxa alagd haliyay gool ama laab balse lugta labaad waa ay ak soo gudbeen waxaana laga xasuustaa kulankii barcelona ee xili ciyaareedkii 2018/2019-ka

Mohamed Salah ayaa shabaqa soo taabtay mid kasta oo ka mid ah afartiisii ​​kulan ee ugu dambeysay Champions League – ciyaaryahanka kaliya ee Liverpool ee gool ka dhaliya shan kulan oo isku xigta European Cup / Champions League waa Steven Gerrard, kaasoo sidaas sameeyay xillo ciyaareedkii 2007-08.

Shan ka mid ah 11 guuldarro ee Liverpool ku soo gaartay garoonkeeda Champions League ayaa ka hor tagtay kooxaha Isbaanishka, halka Real Madrid ay noqon karto kooxdii labaad ee ka badisa Reds laba jeer tartanka, Barcelona ka dib.

Champions League, Real Madrid ayaa badisay 15 ka mid ah 16kii kulan ee ugu dambeysay ee bug baxda markii ay lugtii hore ku badisay labo gool iyo wax ka badan, marka laga reebo 2003-04 wareega 8da ee ay la ciyaareen Monaco (4-2 lugtii hore, 1-3 lugta labaad).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here