Hordhac: West Brom Vs Arsenal

0
443

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Arsenal ayaa kulan adag waxa ay marti ugu noqoneysaa West Brom xilli Saka la filayo in uu diyaar ahaado kulankaas , sidoo kale Luiz iyo Willian oo xanuunsanaa ayaa iyana soo laabanaya

Kieran Gibbs shaki ayaa ku jira in uu wajaho kooxdiisa hore waxa uuna ka sheeganayaa dhaawaca muruqa oo waxaa lagu helaaly is kululeyntii ka horeeysay kulankii Leeds

Xogta Kulanka

Arsenal waa bilaa guul sedexdii kulan ee hore ee ay ku soo ciyaareen garoonka West Brom , laba jeer waa laga badiyay waxaan ku jira kulankii 2/1 ahaa ee November 2015-ka xilligaas oo macalinka haatan Arsenal Arteta iska dhaliyay gool.

* Guusha kaliya ee Albion ee timid 16-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee xili ciyaareedkaan waxa ay ka gaareen Sheffield United waxa ayna ku jiraan booska 19-aad

Arsenal waxa ay kaliya guul gaareen hal kulan 6-doodi kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee banaanka garoonkooda waliba iyaga oo la ciyaara kooxaha horyaalka u soo dalacay dhawaan , laba bar bar dhac iyo sedex guul darrro , waxa ayna guushaas dhawan ka gaareen Fullham

* Aubameyang waxa uu kulankaan u noqonayaan kiisii 100-aad ee horyaalka ee uu la soo muuqanayo Arsenal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here