Hordhac: Netherlands vs USA: Xulka Maraykanka Oo Aan 72 Sano Ka Badin Xul Reer Yurub Ah Koobka Adduunka.

0
155

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xulalka Netherlands iyo USA ayaa furaya kulamada wareega 16-ka koobka adduunka kaas oo haatan maraya meel xiiso leh.

Xulka Netherlands ayaa doonaay in uu sii wato wacdaraha uu dhigayo isla markaas iska xaadiriyo wareega 16-ka tartanka koobka adduunka.

USA oo dhankooda ka soo baxay Group aan laga filayn in ay ka soo baxaan ayaa doonaya in ay mar kale adduunka ka yaabsadaan isla markaas gaadhaan wareega xiga.

Kulanka: Netherlands Vs USA

Tartanka: Koobka Adduunka

Wakhtiga: 6:00

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Dhamaan 5-tii kulan ee hore ee dhexmaray xulalka Netherlands iyo USA ayaa ahaa saaxiibtinimooyin iyada oo xulka Netherlands badiyay 4-tii kulan ee ugu horeeyay ka hor inta ayna USA badin kulankii ugu dambeeyay.

Netherlands ayaan wax guuldaro ah kala kulmin 19-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha aan reer yurub ahayn iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ee ka soo gaadhay ahayd mid ka soo gadhay Brazil sanadkii 1994.

USA ayaan wax guul ah gaadhin 11-kii kualn ee ugu dambeeyay ee ay koobka adduunka la ciyaartay xulalka reer yurub tan ilaa markii ay 3/2 aga badiyeen xulka Portugal sanadkii 2002.

Xulka USA ayaa badiyay kaliya 3 kulan oo ka mid ah 23 kulan oo ay la ciyaartay kooxaha reer yurub koobkaa dduunka iyaga oo guushii ugu dambaysay ee ay xul reer yurub ah garaaceen ahaa mid dhacay 1950 iyaga oo ka badiyay England.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here