Hordhac: Manchester City vs. Burnley

0
452

Baydhabo(Radio Arlaadi)–Manchester City ayaa  qaabilaysa kooxda Burnley, waxaana natiijada ciyaartani ay muhiim u tahay waqtiga ay Liverpool ku guuleysanayso horyaalka ee sida dhabta ah loo xaqiijinayo in fasal ciyaareedka 2019-20 ay Reds ku guuleysatay.

Kooxda tababare Pep Guardiola waxay Arbacadii 3-0 ku bahdishay Arsenal oo ay Etihad Stadium, waxaanay taasi keentay inay dib u dhigto xilliga Liverpool koobka la siinayo, ka hor intii aanay Everton waqtiga sii fogeynin.

Laakiin Bunrley oo awood u yeelatay inay kooxo waaweyn oo Manchester United ku jirto ay garoomadooda ku garaacdo, meel dhexena kaga jirta miiska kala sarraynta oo aanay wax cabsi ah ka haynin inay Championship-ka u degto, ayaa ku kellifi karta City inay faraha laabato oo ay Liverpool usii deyso horyaalka ay hananayso.

Ciyaartii ugu horreysay ee Manchester City ay ugu soo laabatay Premier League muddo 100 maalmood ah kaddib ee ay Arbacadii ku qaabishay Arsenal, waxa halyeyga indhuhu sida weyn u hayey uu ahaa Kevin de Bruyne oo ku ciqaabay Gunners qaladaad ay sameeyeen iyo bandhiggiisa kale ee dabiiciga ah ka hor intii aan la saarin.

Kulankaas oo ay 22 dhibcood kaga dhigeen farqiga Liverpool, waxay caawa sii gaaban karayaan dhibcaha iyagoo ka dhigi karaya 20 dhibcood.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, Manchester City waxa laga badiyey laba kualn iyo afar ay guuleysatay, taas oo ka dhigan inay kasoo urursatay 12 dhibcood, 16 dhibcood oo suurtogal ahaa, laakiin Burnley ayaan gebi ahaanba wax guul-darro ah soo arag.

Kooxda tababare Dyche, wax guul-darro ah lamay soo kulmin lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaanay soo heshay 11 dhibcood oo ugu yimid saddex guulood iyo saddex barbarro ah.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester City vs. Burnley

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Etihad Stadium

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here