Hordhac: Man United Vs Burnley

0
366

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan todobaadkii 32-aad ee premeir League kana dhici doona garoonka Old Trafford.

Kooxda Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay cadaadiska sii saaraan kooxda hogaaminaysa horyaalka premier league Man City kuwaas oo aan ciyaarin horyaalka todobaadkan.

Dhanka kale kooxda Burnley ayaa ku jirta dagaal ay ugu jirto in ay ku sii negaado horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Kulanka: Man United Vs Burnley

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 18:00

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaa bar-barayn karta rikoodhkii Newcastle ee xilli ciyaareedkii 2001/2002 Premier League ee kulamada in ay ka soo laabato gool looga hor maray 10 kulan hal xilli ciyaareed.

Xiddiga Man United ee Mason Greenwood ayaa shabaqa soo taabtay mid kasta oo ka mid ah labadii kulan ee ugu dambeysay ee uu ciyaaray Premier League kadib markii uu horay u dhaliyay kaliya hal gool 23-kii kulan ee hore xilli ciyaareedkan.

Kooxda Burnley ayaa noqon karta kooxdii 2-aad ee taariikhda horyaalka Premeir League guuldaro ka fogaata 5 kulan oo xidhiidh ah oo ay booqatay Man United kadib markii ay chelsea sidaas samaysay intii u dhaxeysay 1994 iyo 1998 markaas oo ayna 6 kulan guuldaro kala kulmin.

Chris Wood ayaa noqon kara kaliya xiddigii lixaad ee gool dhaliya seddex kulan oo xiriir ah oo uu u safray garoonka Old Trafford, kadib Jimmy Floyd Hasselbaink (2001), Mark Viduka (2007), Emmanuel Adebayor (2014), Sergio Aguero (2015) iyo Gylfi Sigurdsson (2017).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here