Hordhac: Man United Vs Arsenal

0
273

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Man United ayaa kulkan ka tirsan wareegga 7-aad e horyaalka Ingiriiska waxa ay ku marti gilinayaan Arsenal , waxaana kulankaas ka maqnaanaya Telles oo xanuunka caabuqa la maqan

Martial isna waxa uu ku seegayaa ganaax halka dhanka Arsenal loo badinayo in David Luiz uu ku seegi doono dhaawacii ku gaaray kulankii Leicester City

Xogta Kulanka

* Man United ayaa bilaa guul ah afartii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay Arsenal la ciyaareen , laba bar bar bar dhac iyo laba guul darro ayay wataan.

* Si waliba United guul darro lama aysan kulmin 13 kulan oo ay Arsenal ku marti giliyeen horyaalka tan iyo guul daradii halka gool aheyd ee dhacday September 2006, tan iyo mudadaas waa ay badiyeen 8 jeer halka 5 kalana ay galeen bar bar dhac

* United waxa ay ilaa iyo haatan horyaalka ka qaabileen 12 gool waana markii ugu xumeyd ka dib 5 kulan .

* Kulankaan waxa uu macalin Ole Gunner u noqonayaa kiisii 100-aad ee uu hogaaminayo United , 55 waa uu badiyay , 21 bar bar dhac halka 23 uu la kulmay guul-darro.

*Aresenal waa ay guul dareysteen 6 kulan oo qeyb ka ah 9 kulan oo ay banaanka garoonkooda ku soo ciyaareen iyadoo horyaalka la joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here