Hordhac: Man City Vs Tottenham

0
119

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kulanka ugu xiisaha badan horyaalka premier League ayaa dhexmari doona kooxaha Man City iyo Tottenham kulan ka dhici doona Etihad.

Man City ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha premier League kadib bar-barihii todobaadkii hore.

Dhinaca kale Tottenham oo aan badin 3 kulan oo xidhiidh ah Premier League ayaa doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha.

Kulanka: Man City Vs Tottenham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Etihad

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Manchester City ayaa laga badiyay labo kaliya 13-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay gurigeeda kula ciyaartay Tottenham.

Si kastaba ha ahaatee, Tottenham ayaa badisay shan ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, iyagoo badiyay kaliya afar ka mid ah 19kii hore.

Spurs ayaa lix jeer ku garaacday Manchester City Premier League tan iyo markii uu Pep Guardiola ku soo biiray kooxda 2016 – waana kooxda ugu badan.

Manchester City ayaa laga yaabaa inay seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah guul la’aan noqoto markii ugu horeysay tan iyo afartii kulan ee u dhaxeeyay March ilaa April 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here