Hordhac: Man City Vs Man United.

0
206

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kulanka ugu xiisaha badan premier League todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Man United iyo Man City kulan ka dhici doona garoonka Etihad Stadium.

Man City ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u gaadhi lahayd guul ka caawisa in ay dib u soo celiso 6-dii dhibcood ee ay ka horaysay kooxda Liverpool.

Dhanka kale kooxda Man United ayaa kulanka u soo galaysa iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guul ka caawisa in ay sii wadaan dagaalka ay ugu jiraan kaalinta 4-aad ee premier League.

Kulanka: Man City Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga 7:30

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Riyad Mahrez ayaa ku lug lahaa sagaal gool sideedii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee uu u saftay City, lix gool ayuu dhaliyay seddexna caawiye Ayuu ka noqday laakiin xiddiga reer Algeria ayaan wax gool ah ka dhalin Man United 11-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Manchester United ayaa raadineysa inay ka badiso Man City 4 kulan oo xidhiidh ah tartamada oo dhan markii ugu horaysay intii u dhexaysay November 1993 iyo November 2000.

Man City ayaa isha ku haysa in ay Man United ka badiso laba kulan xilli ciyaareedka premier League markii 2-aad intii uu Pep Guardiola hogaaminayay koxda Man City.

Tan iyo markii uu saftay kulankiisii ​​ugu horeysay ee Premier League bishii February 2020, Bruno Fernandes ayaa dhaliyay sidoo kale caawin sameeyay 11 kulan oo kala duwan, waana in ka badan xiddig kasta oo ciyaara tartanka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here