Hordhac: Man City vs Chelsea

0
407

(Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Manchester City ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa kooxda kusoo xigta dhanka tirsiga dhibcaha ee Chelsea oo dhibaato dhexda kaga jirta maadaama ay ciyaartoy dhaw ah siyaabo kala duwan ku weyneyso kulankaan muhiimka ah.

Kooxda difaacaneysa horyaalka waxey dib usoo dhaweyn doonaan macalinkooda Pep Guardiola kaas oo aan kursiga keydka soo fariisan kulankii ugu dambeeyay ee FA Cup-ka, waxeyna rajeynayaan iney sii dheereystaan farqiga dhibcaha ay ku hogaaminayaan horyaalka.

Blues oo ah kooxda kaalinta labaad waxey iska ilaalineysaa iney ciyaartii 8-aad dhibco lumiso marka laga hadlo 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka, waxeyna isku dayi doonaan iney soo yareeyaan farqiga dhibcaha ee u dhaxeeya iyaga iyo hogaamiyayaasha.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Man City vs Chelsea

Garoonka: Etihad Stadium

Saacadda: 3:30 Galabnimo (XGA)

Garsoore: Craig Pawson (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Manchester City waxaa xanuunka Covid19 uga maqan Phil Foden iyo Zinchenko, balse waxaa macquul ah iney dib usoo dhaweeyaan daafacooda John Stones, sidoo kale waxaa safka hore kusoo laaban kara Ederson Moares.

Guardiola wax dhibaato ah ma qabaan wiilashiisa, Raheem Sterling oo ku guuleystay laacibka bisha horyaalka Premier League ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo, walow macalinka reer Spain uu heysto ciyaartoy booskiisa buuxin karta.

Manchester City waxaa ka maqan oo waajibaad qaran ka jira Riyad Mahrez oo hogaaminaya qaranka difaacanaya koobka qaramada Afrika ee Algeria.

Dhanka Blues waxaa ka maqnaan doona Chilwell, Reece James iyo Trevoh Chalobah oo la raaciyay Edouard Mendy oo ku maqan waajibadkiisa qaranka Senegal, sidoo kale waxaa la leeyahay Christensen ayuu asiibay Covid19.

Thiago Silva iyo N’Golo Kante ayaa diyaar u ah ciyaarta adag ee maanta, sidoo kalana Kovacic iyo Jorginho ayaa xaadir ah iyadoo Tuchel laga yaabo inuu Timo Werner keydka dhigo kuna soo bilaabo Kai Havertz.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Ciyaartaan waa midii 50-aad oo ay labada kooxood ku ciyaaraan Premier League, Man City kaliya 3-guul ayey ka heshay 25-kii ciyaarood ee ugu horreeyay kulamada labada kooxood, balse 12 ka mid ah ayey badisay 24-kii jeer ee ugu dambeeyay, taasoo ka dhigan iney 15-jeer guul heshay.

Waa markii labaad oo ay labadaan kooxood ciyaarayaan iyagoo ah labada kooxood ee ugu sarreeya horyaalka, tan oo kale waxey dhacday January 2015 xilli Blues ay hogaanka heysatay waxeyna ku kala baxeen barbaro.

Chelsea guuldaro ayey ka qaadatay Etihad Stadium sideed ka mid ah 12-kii ciyaarood ee ugu dambeeyay horyaalka.

Romelu Lukaku ayaa ka hortagaya Manchester City kulankii 16-aad ciyaaraha Premier League, kaliya 4-gool ayuu ku sheegtaa.

Chelsea guul ayey kusoo gaartay Etihad Stadium fasalkii lasoo dhaafay, waana guusha qura uu Tuchel ku sheegto dhigiisa Guardiola marka laga hadlo kulamada ay horyaalada isku wajaheen.

SAFKA MACQUULKA AH:

Manchester City:

Ederson; Walker, Dias, Laporte, Cancelo; Gundogan, Rodri, De Bruyne; B. Silva, Jesus, Foden

Chelsea:

Kepa; T. Silva, Rudiger, Sarr; Azpilicueta, Jorginho, Kovacic, Alonso; Mount, Havertz; Lukaku

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here