HORDHAC: Leicester City vs Man United

0
362

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Man United iyo Leicester City ayaa marka ay caawa fiidka geesaha iskula galaan gegida King Power Stadium isha ku wada hayn doona inay usoo baxaan boosaska Champions League.

Leicester City ayaa hadda hal dhibic ka dambaysa Chelsea iyo Man United oo boosaska saddexaad iyo afraad ku jira, Foxes ayaa kaliya guul u baahan si ay ugu yaraan mid kamida kooxahaas meesha ugala soo baxdo.

Markii la galayay wakhtigii go’doonka ee xanuunka Korona, Leicester City ayaa booska saddexaad ku jirtay iyagoo shan dhibcood ka sarreeyay Chelsea oo afraad ahayd isla markaana siddeed dhibcood ka horreeyay United.

Wararka Labada Dhinac Ee Kulanka Kahor

Leicester ayaan qabin wax dhaawacyo ah oo cusub balse ay ka maqnaan doonaan ciyaaryahano udub dhaxaad u ah shaxdooda oo ay ugu horreeyaan Ben Chilwell, Ricardo Pereira iyo James Maddison oo dhaawacan.

Christian Fuchs iyo Daniel Amartey ayaa sidoo kale dhaawac ku maqan halka uu ganaax casaan ah ku maqan yahay daafaca ree Turkey ee Caglar Soyuncu.

Dhinaca Man United waxaa wali maqnaanaya daafacyada dhexe ee Axel Tuanzebe iyo Phil Jones balse waxa kulankan kusoo laaban kara Luke Shaw iyo Eric Bailly oo labaduba dhawaan dhaawacmay.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Dhinac

Leicester City: Schmeichel; Bennett, Morgan, Evans; Thomas, Tielemans, Ndidi, Justin; Barnes, Vardy, Perez

Man United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Matic, Pogba; Greenwood, Fernandes, Rashford; Martial

Xogta Kooban Ee Kulanka

Ciyaarta: Leicester City vs Man United

Tartanka: Premier League

Garoonka: King Power Stadium

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here