Baydhabo(Radio Arlaadi)-Liverpool ayaa kulan adag marti ugu ah kooxda Leicester City ,waxa ayna kulankaas galayaan iyadoo Fabinho uu ka maqan yahay sababo la xariira dhaawac muruqa ah oo haya .
Saxiixyada cusub Ben Davies iyo Ozan Kabak ayaa la heli karaa kulankaas balse lama oga go`aanka macalin Klopp uu qaadan doono.
Xogta kulanka
*Liverpool ayaa badisay 12 oo qeyb ka ah 17 kulan hore oo horyaalka ah oo ay la ciyaareen Leicester, waxaana ugu dambeeysay 6 kulan oo qeyb ka ah 7-dii kulan e la soo dhaafay
* Leicester City ayaa guul dareystay sedexdii kulan ee ugu dambeeyay garoonkooda ee horyaalka oo ay la ciyaareen Liverpool
* Guushii ugu dambeeysay ee Leicester ka gaaraan Liverpol waxa ay aheyd February 2017 waxa ayna waqtigaas ku garaaceen 3/1
* Leicester kaliya hal guul ayay gaareen afartii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay ciyaareen
* Liverpool 5 kulan ayay guul dareysteen oo qeyb ka ah 9 kulan oo a ciyaareen sanadkaan 2021-da , waxa ay badiyeen sedex jeer halka hal jeerna ay galeen bar bar dhac
* Liverpool waxa ay badiyeen lix kulan oo qeyb ka ah 17-kii kulan ee hore horyaalka ee ay banaanka garoonkooda ku soo ciyaareen