Hordhac: Leicester City Vs Chelsea: Blues Oo Doonaysa In Ay Sii Wadato Guulaha

0
139

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda chelsea ayaa marti u noqonaysa kooxda Leicester City kulan ka tirsan premier League kana dhici doona garoonka King Power.

Blues ayaa doonaysa in ay gaadho guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah premier League waxana ay doonayaan in ay sii wataan guulaha.

Dhinaca kale Leicester City ayaa doonaysa in ay garaacdo kooxda chelse siina xumayso xaalka kooxda chelsea oo madaxa kor u qaaday kulamadii ugu dambeeyay.

Kulanka: Leicester City Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00

Garoonka: King Power.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Guusha kali ah ee Leicester lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay gurigeeda kula ciyaartay Chelsea waxay ahayd 2-0 kaas oo ay gaadhay January 2021.

Guushii ugu dambeysay ee ay ka gaadhaan Chelsea waxay ahayd finalka FA Cup 2021 ee ka dhacay Wembley.

Chelsea ayaa ku badisay 2-1 kulankii hore ee ay la ciyaartay Leicester City bishii August waxana ay raadinaysaa in ay laba guul ka gaadho premier League xilli ciyaareed kaliya markii ugu horaysay 2016-17.

10 Kulan ee chelsea guul la’aanta  ee tartamada oo dhan marka ay martida yihiin ayaa ah rikoodhkoodii ugu dheeraa April 2000 ilaa Janaayo 2001 markaas oo ayna 17 kulan wax guul ah gaadhin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here