Hordhac:-Kulanka Caawa ee Bayern Munich Vs Chelsea

0
887

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Garoonka Allianz Arena ayaa marti galin doona kulan dhexmari doona kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea kulan ka tirsan lugtii 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Bayern Munich ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo hal lug kula jira wareega 8 dhamaadka kadib guushii weynayd ee ay chelsea ka soo gaadheen lugtii hore ee ka dhacday Stamford Bridge.

Dhanka kale Chelsea aya kulanka soo galaysa iyaga oo u baahan in ay qabato shaqo adag laakiin macquul ah si ay ugu soo baxdo wareega xiga ee tartanka:

Kulanka: Bayern Munich Vs Chelsea

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Allianz Arena

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Bayern Munich ayaa kaliya horay u marti galisay Chelsea hal mar tartanka champions League kaas oo ah mid dhacay April 200 waxana ay kulankaas ku badiyeen 3/2 xilli uu tababaraha chelsea ee haatan ee Frank Lampard dhaliyay goolka 1-aad.

Chelsea iyo Bayern Munich ayaa bar-baro 1/1 ah galay kulankii ugu dambeeyay ee ay champions League ee ay ku wada ciyaareen Allianz Arena Final-ka tartanka kaas oo ay ugu dambayn Blues rikoodhayaal ku qaaday.

Taariikhda dhan ee tartamada yurub sida European Cup ama champions League ma jirto koox ka soo laabatay 3 gool iyo wax ka badan oo kulamada bug baxa looga badiyay garoonkeeda.

Chelsea ayaan wax guul ah gaadhin 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee wareega bug baxa champions League tan ilaa markii ay 1/0 uga badiyeen Benfica bishii March sanadkii 2012.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here