Hordhac: Japan Vs Croatia: Ma Sii Socon Doontaa Mucjisada Japan Ee Koobka Adduunka.

0
124

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xulka wacdaraha dhigaya ilaa haatan tartanka koobka adduunka isla markaas lama filaanada qarxiyay ee Japan ayaa la ciyaari doona xulka Croatia kulan ka tirsan wareega 16-ka.

Xulka Croatia ayaa doonaya in ay mar kale gaadhaan final-ka koobka adduunka maadama ay gaadheen 4 sano ka hor waxana ay doonayaan in ay dhaafaan xulka Japan.

Dhinaca kale xulka Japan ayaa doonaya in uu Crotia ku daro lama filaanada kale ee uu ilaa haatan ka dhigay koobka adduunka Isla markaas iska xaadiriyo wareega xiga ee tartanka.

Kulanka: Japan Vs Croatia

Tartanka: Koobka Adduunka

Wakhtiga: 6:00

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 3-aad ee xulalka Japan iyo Croatia ku dhex mara koobka adduunka iyada oo uuna xulka Japan wax guul ah ka gaadhin 2-dii kulan ee hore iyaga oo kulan badisay Croatia halka kulanka kale bar-baro galeen.

Japan ayaa badisay labadii kulan ee ay la ciyaartay xulalka reer yurub koobka adduunka sanadkan iyaga oo garaacay xulalka Germany iyo Spain, laakiin waxa ay badiyeen kaliya 2 kulan 10-kii kulan ee ay la ciyaareen xulalka reer yurub.

Xulka Japan ayaa gaadhay wareega 16-ka koobka adduunka markii 4-aad si kasta ha ahaatee waligood ma dhaafin wareegan iyaga oo dhamaantood 4-tii jeer kaga hadhay wareega 16-ka.

Markan aaa ah markii 3-aad ee uu xulka Croatia gaadho wareega 16-ka koobka adduunka waxana ay labadii hore rikoodhayaal ku dhaafeen wareegan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here