Hordhac: Fulham Vs Arsenal: Gunners Oo Doonaysa In Ay Ku Soo Laabato Wadada Guulaha

0
76

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Fulham ayaa marti galinaysa kooxda Arsenal kulan ka tirsan premier League.

Arsenal ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib markii ay guuldaro kala kulmeen West Ham.

Dhinaca kale Fulham ayaa doonaysa dhinaceeda in ay ka soo laabato laba guuldaro oo xidhiidh ah oo ay kala kulantay premier League.

Kulanka: Fulham Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Craven Cottage

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Fulham ayaan wax guul ah gaarin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Arsenal (3 bar-baro iyo 8 guuldaro).

Guushii ugu dambeysay waxay ahayd 2-1 ay ku badiyaan gurigooda January 2012.

Arsenal ayaa badisay shantii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League oo ay marti ahaayeen Fulham, iyagoo dhaliyay ugu yaraan seddex gool afartii kulan ee ugu danbeysay.

Gunners ayaa laga badiyay kaliya seddex ka mid ah 33-kii kulan ee Premier League ee ay la ciyaartay Fulham (23 guul, 7 barbaro), iyadoo dhammaan seddexda guuldaro ay kala kulmeen Craven Cottage.

Arsenal ayaa halis ugu jirta in ay guul la’aan noqoto 3 kulan oo horyaaka ah taas oo noqon karta xilli ciyaareedkii ugu dheeraa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here