Hordhac: Chelsea Vs Man United:

0
408

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kulanka Ugu Xiisaha Badan Premier Legaue todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Chelsea iyo Man United kulan ka tirsan todobaadkii 26-aad ee horyaalka.

Tababaraha cheslea ee Thomas Tuchel ayaa mari doona tijaabadii ugu horaysay ee horyaalka premier League isaga oo ka hor iman doona koox weyn markii ugu horaysay tan ilaa markii uu tababaraha u noqday Blues.

Man United ayaa dhankeeda kulanka soo galaysa iyaga oo ku qasban in ay guul gaadhaan hadii ay doonayaan in ay cadaadiska ku sii hayaan Man City.

Kulanka: Chelsea Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Stamford Bridge.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaa chelsea ku garaacday 2/0 kulankii ka dhacay Stamford Birdge xilli ciyaareedkii hore laakiin Blues ayaan laba kulan oo xidhiidh ah guuldaro kala kulmin Red Devils tan ilaa bishii October 1995.

Tatramada oo dhan Man United ayaa garaacday chelsea 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay martida u ahayd iyga oo garaacay Kulankii FA Cup-ka ee dhacay bishii February 2019, Kulankii Carabao cup-ka ee dhacay October 2019 iyo kulankii Premier League ee dhacay February 2020.

Chelsea ayaan guuldaro kala kulmin koox 4 kulan oo xidhiidh ah tartamada oo dhan garoonkeeda tan ilaa intii u dhexaysay 1981 iyo 1986 markaas oo ay 4 kulan guuldaro kala kulmeen Watford.

Chelsea ayaa ku fashilantay in ay gool ka dhaliso Man United 3 kulan oo xidhiidh ah premier League markii ugu dambaysay ee ay koox ku fashilmeen in ay 4 kulan oo xidhiidh ah gool ka dhalin waayaan waxa ay ahayd bishii April 1960 markaas oo ayna wax gool ah ka dhalin kooxda Bolton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here