Hordhac: Chelsea Vs Arsenal Finalka Wembley Ka Dhici Doona

0
516

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxaha Arsenal & chelsea ayaa isaga hor iman doona kulankii ugu dambeeyay ee maxali ah ee England kulan ka dhici doono garoonka Wembley kana tirsan Final-ka FA Cup-ka xilli ciyaareedka 2019/2020.

Labada kooxood oo ay kala hogaaminayaan laba tababare oo da’yar ah ayaa isha ku haya in ay koobkoodii ugu horeeyay ku guulaystaan tartanka FA Cup.

Kooxaha Chelsea & Arsenal ayaa isaga hor iman doona Final-kii 3-aad ee tartanka FA Cup-ka iyada oo Arsenal labadii koob ee hore ka qaaday Chelsea.

Arsenal ayaa laba u jeedo u soo galaysa kulanka una doonaysa in ay ugu guulaysato koobka waana in ay ka baxdo koob la’aanta xilli ciyaareedkan iyo waliba in ay Europa League xilli ciyaareedka dambe u soo baxdo.

Dhanka kale Chelsea ayaa kulanka u soo glaysa in ay koob la’aanta kaga baxdo xilli ciyaareedkan marka loo eego in ay u soo baxday champions League.

Arsenal ayaa guuleysatay labadii kulan ee ugu dambeysay ee Final-ka FA Cup ee ay la ciyaareen Chelsea: 2002 iyo 2-1 sanadkii 2017.

Si kastaba ha noqotee, Chelsea ayaa guuleysatay labadoodii kulan ee kale ee finalka iyagoo 2-1 ku qaaday 2007 League Cup iyo 4-1 finalkii Europa League ee sanadkii hore.

Guushii kaliya ee ay Chelsea FA Cup-ka ka gaadhay Arsenal 9-kii kulan ee la soo dhaafay ayaa ah kulankii Semi-final-ka Tartanka ee sanadkii 2009.

Kooxda Arsenal ayaa gaartay finalka FA Cup 21 jeer waxaana ay sidoo kale ku guuleysteen koobka 13 jeer waana in ka badan kooxaha kale ee England.

Kooxda Chelsea ayaa markii 14-aad ee taariikhdooda gaadhay Final-ka FA Cup-ka kaliya Arsenal oo 21 iyo Man United oo 20 ah ayaa kaga badan.

Gunners guuldarro kama aysan soo gaarin finalka FA Cup ee ay ku ciyaarto garoonka Wembely tan ilaa guuldaradii 1/0 ahayd ee ka soo gaadhay West Ham Sanadkii 1980.

Kooxda chelsea ayaa Laga badiyay kaliya hal kulan 15-kii kulan ee FA Cup-ka ee ugu dambaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here