Hordhac: Brentford Vs Arsenal.

0
129

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa marti u noqnaysa kooxda Brentford kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkii 13-aad ee xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa doonaysa in ay gaadho guul ka caawisa in ay hogaanka ula wareegto hadii ay midkood kufaan kooxaha Liverpool ama Man City oo wada ciyaaraya.

Brentford ayaa dhinaca kale doonaysa in ay ka inkaarsato kooxda Arsenal kuwaas oo ku jira qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Brentford Vs Arsenal

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 8:30

Garoonka: Gtech Community Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Brentford kulankeedii ugu horeeyay ee Premier League waxa ay 2-0 kaga badisay Arsenal 13-Ki August 2021 laakiin wax guul ah kama gaadhin 4-tii kulan ee ugu dambaysay tartamada oo dhan (1 bar-baro iyo 3 guul daro).

Taas waxaa ka mid ah guushii 1-0 ee Gunners ay ku gaartay Gtech Community Stadium kulan ka tirsan EFL Cup bishii Sebtember.

Markii ugu dambeysay ee Arsenal ay labo jeer ku badiso meel ka baxsan London xilli ciyaareed gudaheed waxay aheyd 1992-93, markaasoo ay 2-1 ku garaaceen Crystal Palace Premier League iyo 3-1 League Cup, iyadoo Ian Wright uu dhaliyay labada kulan.

Gunners ayaan laga badinin 16-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay la ciyaartay kooxaha kale ee London (W11, D5), waana kooxdii seddexaad ee ugu waqtiga dheer ee taariikhda tartanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here