Hordhac: Barcelona Vs Villarreal

0
503

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Villarreal kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kulan ka dhici doona garoonka Camp Nou.

Lionel Messi Iyo Saaxiibadii ayaa bilaaban dona xilli ciyaareed ka duwan sanadihii hore marka loo eego in ay kooxdu isku shaandhayn weyn martay xiddigo badana ka tageen kooxda.

Barcelona ayaa doonayasa in ay guul ku bilaabato horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyaga oo doonaya ku guulaysiga koobka.

Kulanka: Barcelona Vs Villarreal

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa ka fogaatay guuldaro 22-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Villarreal kula ciyaartay Camp Nou horyaalka La Liga iyada oo markii ugu dambaysay ee ay Guuldaro kala kulantay Villarreal tahay bishii March 2008.

Barcelona ayaa badisay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Camp Nou kula ciyaartay Villarreal horyaalka iyada oo markii ugu dambaysay ee ay Villarreal guuldaro kaga fogaatay Camp Nou tahay bishii Janaury 2010.

Barcelona ayaa kaliya laga badiyay hal mar 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee furitaanka xilli ciyaareedka cusub kaas oo ahaa xilli ciyaareedkii 2019/2020 markaas oo ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen Athletic Bilbao.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here