Hordhac: Barcelona Vs Real Madrid

0
90

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kulanka ugu xiisaha badan adduunka ayaa dhici doona iyada oo ay isaga hor iman doonaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa kulanka soo galaya iyaga oo u baahan in ay guul gaadhaan si ay u sii hayaan hogaanka horyaalka La Liga.

Kulanka: Barcelona Vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 5:15

Garoonka: Lluís Companys Olympic Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa badisay dhamaan todobadii kulan ee ay ku ciyaartay garoonkeeda xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan iyada oo dhalisay 19 gool halka laga dhaliyay 3 kale.

Markii ugu dambeysay ee Barcelona ay ku guuldareysato inay gurigeeda ku badiso laba kulan oo xidhiidh ah ayaa ahayd bishii May markaas oo ay guuldaro 2/1 ah kala kulantay Real Sociedad.

Jude Bellingham ayaa noqday xiddiga ugu gool dhalinta fiican horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 8 gool isaga oo ka horeeya dhamaan xiddigaha kale ee horyaalka.

Waxaa jiray guul 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee El Clasico tartamada oo dhan, waana kulankii ugu dheeraa ee labada kooxood ee xafiiltama dhinaca guulaha tan ilaa markii ay bar-baro galiwaayeen 17 kulan tan ilaa sanadkii 19960.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here