Hordhac: Barcelona Vs Atletico Madrid

0
569

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Atletico Madrid kulan xiiso gaar ah leh kana tirsan horyaalka La Liga todobaadkii 35-aad ee xilli ciyaareedkan Kana dhici doona garoonka Camp Nou.

Kulanka ayaa si weyn u go’aamin kara horyaalka La Liga iyada oo ciyaarta kadib la ogaan doono kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Atletico Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ka fogaadaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid kuna sii dhawaadaan ku guulaysiga horyaalka.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay hogaanka u qabtaan horyaalka La Liga.

Kulanka: Barcelona Vs Atletico Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 5:15 Galabinimo

Garoonka Camp Nou

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here