21 C
Baidoa
Tuesday, September 24, 2024
Home Cayaaraha Hordhac: Barcelona Vs Athletic Bilbao

Hordhac: Barcelona Vs Athletic Bilbao

0
272

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda Athletic bilbao kulan ka tirsan Final-ka tartanka Copa Del Rey-ga xilli ciyaareedkan kulan si weyn isha loogu hayo.

Kooxda Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku guulaystaan koobkoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan waliba niyada ku dhistaan kulanka kadib guuldaradii El Clasico.

Dhanka kale kooxda Athletic bilbao ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku guulaystaan koobka kadib markii bilowgii bishan laga qaaday Final-kii Copa Del Rey-ga la baajiyay xilli ciyaareedkii hore.

Kulanka: Barcelona Vs Athletic Bilbao

Tartanka: Copa Del Rey- Final

Wakhtiga: 10:30

Garoonka: Estadio de La Cartuja

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Marcelino iyo Ronald Koeman ayaa is wajahay shan jeer, iyadoo Koeman uu badiyay labo ka mid ah kulamadaas, seddexna laga badiyay.

Barcelona ayaa badisay kaliya shan ka mid ah tobankii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Athletic Club, seddex jeer waa laga badiyay, Iyada oo uu ku jiro finalka Copa del Rey.

Labada koox ayaa ku kulmay Copa del Rey shan jeer shantii sano ee la soo dhaafay, iyadoo Barcelona ay badisay seddex ka mid ah kulamadaas.

Barcelona kuma aysan guuleysan finalka Copa del Rey ee Seville 96-dii sano ee lasoo dhaafay.

Athletic Bilbao ayaan shabaqeeda ilaashan Barcelona afar kulan oo xidhiidh ah iyada oo ay Barcelona 3 kulan ka ciyaartay kooxda ka dhisan gobolka Basque.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here