Hordhac: Atletico Madrid Vs Man United

0
289

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan champions League kulan ka dhici dona garoonka Wanda Metropolitano lugta 1-ad ee wareega 16-ka.

Man United ayaa oo kulamadii ugu dambeeyay dib u heshay qaab ciyaareedkii fiicnaa ayaa doonaysa in ay Spain kala soo laabato natiijo fiican kala timaado Spain.

Dhanka kale Atletico Madrid ayaa doonaysa in ay Man United ku garaacdo garnkeeda dhexdiisa ka hor inta ayna Iman Old Trafford lugta 1-aad wareega tartanka.

Kulanka: Atletico Madrid Vs Man United

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Wanda Metropolitano

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxaha Atletico Madrid iyo Man United ayaa horay ugu kulmay tartamada yurub hal mar kaas oo ahaa 1991/1992 markaas oo ay kooxda Atletico ku badisay 4/1 labada kulan wareega 16-ka.

Markii hore ee ay Man United booqatay garoonka Atletico Madrid ayaa ahayd lugtii 1-aad ee tartana cup Winners cup 1991/1992 waxana lagu soo garaacay 3/1.

Kooxda Atletico Madrid ayaa guuldaro la kulantay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay champions League la ciyaartay kooxaha premier league.

Man United ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 7-dii kulan ee ay martida u ahaayeen kooxaha reer Spain tatranka champions League kulamada bug baxa iyaga oo garaacay kooxda Deportivo La Coruna sanadkii 2002.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here