Hordhac:- Aston Villa Vs Liverpool

0
550

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Aston Villa kulan ka dhici doona garoonka Villa Park kulan ka tirsan todobaadkii 4-aad ee horyaalka premier League.

Kulanka ayaa dhexmari doona laba kooxood oo si fiican ku bilowday xilli ciyaareedka iyaga oo aan wax guuldaro ah la kulmin horyaalka premier League.

Aston Villa ayaa isha ku heysa inay badiso seddex kulan oo xidhiidh ah Premier League markii ugu horeysay tan ilaa bishii April 2010.

Liverpool ayaa noqon karta kooxdii ugu horaysay taariikhda Premier League guul gaadha 4-ta kulan oo xidhiidh ah 3 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah.

Kulanka: Aston Villa Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 9:15

Garoonka: Villa Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Haddii Jack Grealish uu Aston Villa gool u dhaliyo waxa ay noqon doontaa markii ugu horaysay ee uu 2 kulan oo xidhiidh ah gool dhaliyo premier Leageu tan ilaa bishii October 2019.

Wiilasha Dean Smith ayaan laga badinin lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaareen horyaalka premier League waana guushii ugu dheerayd ee tartanka Premier League.

Liverpool ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 19kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay booqdeen Villa Park waxana ay badiyeen 6-dii kulan ee ugu dambeeyay xilli guuldaradii ugu dambaysay ee garoonkaas ka soo gaadha ahayd mid 1/0 ah oo dhacday bishii May 2011.

Sadio Mane ayaa dhaliyay lix gool lixdiisii ​​kulan ee ugu dambeysay oo uu ka horyimid Villa waxana uu kaliya Rikoodh ka fiican ku leeyahay Crystal Palace (9) iyo Arsenal 7 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here