Hordhac: Aston Villa Vs Arsenal

0
106

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda wacdaraha ku jirta ee Aston Villa kulan ka dhici doona Villa Park.

Gunners ayaa doonaysa in ay sii wado guulaha isla markaas garaacdo Villa si ay u sii dheeraysato hogaanka horyaalka.

Dhinaca kale Aston Villa oo guul ka gaadhay Man City ayaa doonaysa in ay joojiso hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal.

Kulanka: Aston Villa Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:30

Garoonka: Villa Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa badisay afar kulan oo isku xigta oo horyaalka ah ka dib markii Mikel Arteta laga badiyay mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu horeysay ee horyaalka ee uu ka hor yimid Aston Villa.

Labadii guul ee Villa 21-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka ay la ciyaartay Arsenal waxay labaduba ku kala baxeen 1-0, July 2020 iyo February 2021 (D7, L12).

Gunners ayaa badisay lix kulan oo xiriir ah oo tartan ah, iyagoo dhaliyay 18 gool, tan iyo guuldaradii kaliya ee Premier League xilli ciyaareedkan kasoo gaartay Newcastle United 4tii November.

Dhibcaha Arsenal oo leh 36 dhibcood ayaa ah kooxda saddexaad ee ugu sarreysa ka dib 15 kulan oo ay ciyaareen Premier League, iyagoo ka dambeeya xilli ciyaareedkii hore 40 iyo 37 xilli ciyaareedkii 2007-08.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here