Hordhac: Arsenal Vs Tottenham

0
98

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kulanka ugu xiisaha badan ayaa dhexamri doona kooxaha Arsenal iyo Tottenham kulan ka tirsan premier League kana dhici doona garoonka Emirates.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya guul ay ka gaadhana kulanka si ay u sii wadaan guulaha xidhiidhka ah ee premier League.

Kulanka: Arsenal Vs Tottenham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 4:00

Garoonka: Emirates

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa doonaysa in ay saddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah ka badiso Tottenham markii ugu horaysay tan iyo 1987 ilaa 1989 oo ay ku jireen shan kulan.

Spurs ayaa badisay kaliya labo jeer 31-kii kulan ee ay booqatay Premier League Gunners, 11 jeer ayey barbaro gashay, 18 kulan waa laga badiyay.

Tani waa markii ugu horeysay oo ay labada kooxood soo galaan iyagoo aan laga badinin tan iyo 1990-kii, markaasoo ay labadaan kooxood barbardhac 0-0 ah ku galeen Highbury kulankii seddexaad ee xilli ciyaareedka.

Arsenal ayaa gool dhalisay 24 kulan oo isku xigta oo ay ku ciyaartay North London derby oo ay ku ciyaartay Premier League tan iyo markii ay barbaro goolal la’aan ah galeen November 1998 kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here