25.5 C
Baidoa
Monday, September 23, 2024
Home Cayaaraha Hordhac: Arsenal Vs Tottenham

Hordhac: Arsenal Vs Tottenham

0
676

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates Satdium kusoo dhoweyn doonta Tottenham kulan xamaasaddiisa uu sii shiday Jose Mourinho uu ku maadsaday Gunners xilli uu kasii hadlayay ciyaartan.

Kulankan loo yaqaano North London Stadium ayaa labada kooxood ugu soo beegmay xilli ay guul si weyn ugu baahan yihiin inay guulo helaan.

Arsenal ayaa kaalinta tobnaad kaga jirta miiska kala-sarraynta iyadoo 38 dhibcood ka urursatay 27 ciyaarood oo ay dheeshay, sidaas oo kalena Tottenham ayaa kaalinta toddobaad fadhida, waxaanay haysataa 45 dhibcood iyadoo lix dhibcood ka hoosaysa Chelsea oo kaalinta afraad fadhida, laakiin Spurs waxa baaqi u ah hal ciyaar oo ay Gunners iyo kooxaha kale dheeleen.

Ciyaarta: Arsenal vs Tottenham

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 7:30PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Emirates Stadium

Arsenal ayaa guul la’aan ahayd shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Tottenham ay ka hor tagtay ee dhamaan tartamada, iyadoo saddex laga badiyey labana ay barbarro galeen. Waligeed ma dhicin in lix ciyaarood ay Arsenal wax guul ah ka weydo kulamo ay la dheeshay Tottenham.

Tottenham ayaa rajaynaysa in guushii saddexaad oo xidhiidh ah ay ka gaadho Arsenal markii ugu horreysay tan iyo October 1974kii, waxaana haddii ay u suurto gasho ay noqon doontaa markii ugu horreysya ee laba ciyaarood oo isku xiga ay ku badiso garoonka Arsenal tan iyo 1992-03.

Arsenal laba mar oo kaliya ayay guul-darro kasoo gaadhay 35kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay Tottenham ku martigeliso Emirates Stadium, iyadoo badisay 19 mar 14 kalena barbarro gashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here