Hordhac: Arsenal Vs Brighton

0
88

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa marti galinaysa kooxda Brighton kulan ka tirsan premier League kana dhiic doona Emirates.

Arsenal ayaa doonaysa in ay sii wado guulaha xidhiidhka ah isla markaas hogaanka si ku meel gaadh ah ugu qabato.

Dhinaca kale kooxda Brighton ayaa doonaysa in ay sii wado rikoodhkeeda cajiibka ah ee ay ku leedahay kooxda Arsenal.

Kulanka: Arsenal Vs Brighton

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00

Garoon: Emirates

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Brighton ayaa badisay 5 waxaana laga badiyay afar ka mid ah 12-kii kulan ee Premier League ee ay la ciyaartay Arsenal. Liverpool iyo Manchester United ayaa ah kooxaha kale ee guulo ka badan ka soo gaadhay Gunners kulamada horyaalka.

Albion ayaa badisay mid kasta seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqatay Emirates Stadium, oo ay ku jirto guushii 3-1 ee EFL Cup xilli ciyaareedkii hore.

Gunners ayaan laga badinin 12 kulan oo ay garoonkeeda ku ciyaartay tartamada oo dhan tan iyo markii ay guuldaro 3-0 ah kala kulantay Brighton bishii May.

Arsenal ayaa dhibco ku lumisay far ka mid ah lixdii kulan ee horyaalka xilli ciyaareedkan oo ay wajaheen kooxaha qaybta sare ee miiska ka hor isbuucaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here