Hordhac: Arsenal vs Bournemouth.

0
138

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa marti galinaysa kooxda Bournemouth kulan ka dhici doona Emirates kana tirsan horyaalka premier League.

Gunners ayaa doonaysa in ay sii ilaashato 5-ta dhibcood ee ay ka horayso Man City siina wadato rajadooda ku guulaysiga horyaalka.

Dhinaca kale kooxda Bournemouth ayaa doonaysa in ay qarxiso lama filaan isla markaas garaacdo kooxda hogaaminaysa horyaalka premier League.

Kulanka: Arsenal Vs Bournemouth

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00

Garoonka: Emirates

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa badisay dhamaan lixdii kulan ee ay garoonkeeda kula ciyaartay Bournemouth horyaalka iyo koobabka,waxana ay dhaliyeen 17 gool halka laga dhaliyay.

Cherries ayaa badisay kaliya hal kulan 13-kii kulan ee ay la ciyaartay Gunners tartamada oo dhan 2 bar-baro iyo 10 guuldaro, iyaga oo ku guul daraystay in ay shabaqa ilaashadaan hal kulan.

Kaliya seddex kooxood ayaa 60 dhibcood ama ka badan ka helay 25-kii kulan ee furitaanka Premier League oo aan ku guulaysan horyaalka – Liverpool 2018-19, Arsenal 2007-08 iyo Newcastle 1995-96.

Waxa ay ilaashadeen kaliya seddex kulan 17-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay ku ciyaareen Emirates Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here