Hordhac: Algeria Vs Somaliya.

0
108

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xulalka Algeria iyo Soomaaliya ayaa isaga hor iman doona kulankii ugu horeeyay ee is reeb-reebka koobka adduunka kulanka ayaana ka dhici doona garoonka Nelson Mandela ee magaalada Baraki.

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda martida loo yahay ayaa isha ku haysa in ay markii 5-aad boos ka samaysato dhacdada ugu weyn adduunka kubada cagta.

Dhinaca kale xulka Somaliya ayaa doonaya in ay koobka adduunka u soo baxaan markii ugu horaysay taariikhdooda Xulka Algeria ayaa ciyaaray kulan xiiso leh oo ay kaga hor tageen xulka Masar kaas oo ku dhamaaday 1/1 bishii hore.

Soomaaliya ayaa barbardhac gool la’aan ah la gashay xulka Libiya kulan saaxiibtinimo oo dhacay 19 bishii October.

Xulka Somaliya ayaa ku fashilmay in ay wax gool ah dhaliyaan 4 kulan oo xidhiidh ah laakiin waxa ay shabaqooda ilaashadeen markii ugu horaysay tan ilaa 2019 iyaga oo ka baxay rikoodh guuldarooyin ah.

Iyada oo laga badiyay 8 kulan oo xidhiidh ah tartamada oo dhan xidigaha Ocean Stars Ayaa doonaya in ay helaan guul ku soo celisa wadada guulaha.

Xulka Somaliya oo aan wax guul ah gaadhin muddo 4 sano ah marka ay marti yihiin, Xulka Somaliya ayaa doonaya in ay ka fogaadaan guuldaro kale.

Shaxda Macquulka ah ee labada xul:

Algeria: Mandrea; Mandi, Touba, Attal, Bensebaini; Aouar, Zerrouki, Mahrez; Amoura, Gouiri, Slimani

Somalia: Yuusuf; Gigli, Elmi, Ali, Ahmed; Abdulahi, Ismail, Jama; Mohamed, Askar, Awad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here