Hooyooyin qaba feyraska Korona oo boqol ilmood oo aan xanuunkaas qabin dhalay

0
268

Baydhabo(Radio Arlaadi)- In ka badan 100 canug ayaa si nabad ah ugu dhashay cisbitaal ku yaalla magaalada Mumbai ee Hindiya, hooyooyinka dhalay carruurtan waxay qabeen feyraska Korona balse carruurtaas lagama helin cudurka.

Labo kamid ah hooyooyinka ku umulay halkaas waxay u dhinteen cudurka, waxaa sidoo kale ka mid ah hooyo dhimatay iyadoo uusan dhalan canugeeda.

Dhakhaatiir gaareysay 65 iyo tiro kalkaaliyeyaal ah ayaa ku howlanaa daweynta hooyooyinka uu ku dhacay feyraska Korona ee jiifay cisbitaalka.

Xilli ay sare u kacayaan tirada dadka uu ku dhacay cudurka, cisbitaalkan wuxuu qorsheynayaa in uu hirgeliyo 34 sariirood oo dheeri oo loogu talagalay hooyooyinka uurka leh ee uu soo riday feyraska Korona.

Ku dhawaad 20,000 kiisaska Korona ah ayaa laga xaqiijiyay halkaas halka dhimashadu ay gaartay 730, magaalada ganacsiga ah ee Mumbai waxaa si ba’an u saameeyay cudurka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here