Hogaamiyihii u dambeeyay midowgii Soofiyeeti oo ku dhintay da’da 91 jir

0
323

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Mikhail Gorbachev, hogaamiyihii hore ee Midowga Soofiyeeti ayaa ku dhintay da’da 91 jir,kadib kolkii in muddo ah uu ku jiray cisbitaalka ku yaala magaalada Moscow ee dalka Raashiya,sababo la xiriira xanuun aad u daran oo haayey.

Hogaamiyahaasi oo xukunka la wareegay 1985, waxa uu midowgii Soofiyeeti u horseeday ama ku soo bandhigay dib u habeyn iyo siyaasad fuefuran oo dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda ah (berestoroyka iyo galasnos.

Mr Gorbachev, waxaa lagu tiriyaa in uu ka dambeeyay siyaasadda dagaalkii qaboobaa ee dunida,kaas oo ku dhamaaday si nabad ah,hasa yeeshee,waxa uu awoodi waayay in uu ka hortago burburkii soo faaray Midowgii Soofiyeeti sanadkii 1990-kii, kaas oo uu ka soo baxay Ruushka casriga ah.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku tilmaamay  Gorbachev  inuu ahaa hal-door dawladeed oo ay tabi doonto dunida.

Gorbachev  waxa uu ahaa nin u ololeeya nabadda ,wuxuuna arrimahaasi ku helay baalmarinno badan oo lagu maamuusay waxqabadkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here