Baydhabo(Radio Arlaadi)-Â Hindiya waxay xaqiijisay kiisas ku saabsan hergebka shimbiraha oo saameeyay ilaa 9 gobol oo ka tirsan dalkaas.
Maamulka Delhi ayaa diiwaangeliyay kiisaskii ugu danbeeyay ee cudurkan.
Gobolka Harayana, waxaa toddobaadyadii u danbeeyay ku dhintay in ka badan 400,000 shimbirood kaddib markii uu ku dhacay hergebka, waana meesha uu sida ba’an u saameeyay.
Waxaana haatan socdaa dadaallo lagu xakemanyo fiditaanka hergebka shimbiraha ee saameeyay gobollo ku yaalla Hindiya.
Dowladda waxay soo saartay digniino ku saabsan suurtagalnimada in hergebka shimbiraha uu gudbo banii’aadanka.